Imaanshahaygii Maraykanka

Hi magacayga waxaa la yidhaahdaa Faadumo Axmed. Waxaan waayo-arag u soo noqday
waxyaabo badan noloshayda ah. kuwo fiican iyo kuwo xunba, laakiin ima soo marin
waayo-argnimada iyo la yaabka aan kala kulmay Maraykanka. Midda ugu horreeysa,
waligeey ma fileynin in mayridda dharka ay sidaa sahal u tahay. Somaaliya gacmaheenna
oo maran ayaan dharka ku mayri jirnay. Waxaan dareemi jirey in mayridda dharku tahay
wax laga argagaxo oo xanuun badan, haba soo qaadin waridda dharka si ay u qallalaan
iyo kaawadeeyntooda. Nasiib wanaag, mayridda dharka wax weyn kama aha
Maraykanka. Aad baan uga mahadcelinayaa inaan leeyahay mashiinka dharka lagu
mayro.

Dhalidda (qaadidda) afar carruur ah wax sahlan ma ah Soomaaliya. Waayo-
aragnimadeeyduna waxay ahayd mid xanuun badan oo ay adag tahay inaan ka soo
kabsado. Haseyeeshee, in ilmo lagu dhalo Maraykanka gebi ahaanba way ka duwan
tahay meelaha kale. Waayo-aragnimadayda in aan canug ku dhalo Maraykanka waa
xidhiidhka joogtada ee aan la lahaa fayadhowrka. Markii aan fooshayna wax xanuun ah
ma dareemin. Xaqiiqadii maba dareemin markaan umulayey.

Imaashaha Maraykanka. Soo galooti fara badan ayaa aaminsan in maraykanku yahay
meel nashaad leh oo janno ah. Haseyaashee, waxaan xaqiiqsaday in aragtidayda
Maraykanka tahay badh riyo ah iyo badh run ah. Waligaa ma aragtay dad sida quraanjada
mashquul u ah? Dadku mar walba waxay ku jiraan socod aan nasiinyo lahayn. Waqti
uma helaan reerahooda, waqtiga hurdada umbay kulmaan.

Ayagoo Maraykan cusub ah. kuwa ka soo jeeda Bariga Afrika gaar ahaan qoysaska
Soomaalida, waxay la kulmaan dhibab inay ka gudbaan dhaqanka dalkooda una gudbaan
dal aad u horumarsan ilbaxnimo sarena leh. Sida badan kulanada kooxda rajada ee City
Heights waxaan isla soo qaadnaa waxa na hortaagan iyo waxa wanaagsan ee aan ku
haysano City Heights. Waxaa naga yaabiyaa sida ay u jirto horumarka cilmiga nolosha
sahlaya, laakiin hadana howlaha faraha badan ee aan halmar isla qabanno. Waxaan
isweydiinnaa “waa maxay sababta kalmadda “waqtiga raaxada” uga jirto Maraykanka?.

Dhammaan waayo-aragnimadan waxay wax yar un ka tahay waayo-aragnimada aan ka
helay Maraykanka. Waxaan halkan joogay in ka badan 15 sanno, waxaana dhihi karaa
waan i beddelay oo la qabsaday meelo qaarkood. Waxaan waayo-arag u ahay ku dhalidda
ilmo Maraykanka taasoo xanuun la’aan ah. Maxasuusan karo waqtigii ugu dambeysay oo
aan gacmahayga dhar ku dhaqo. Maalmahan si sahal ah un baan dharka mashiinka ugu
tuuraa iskana fariistaa. Tani runtii waa raaxo heer sare ah.

Soomaaliya, waxay ahayd lagama maarmaan in qoysku saddex jeer isu yimaado oo meel
ku wada cunteeyo. Qoykeyga hadda taas muhiim ma aha. Asal ahaan ma hayo waqti aan
wax ku kariyo, waqtigii qoyska daaqadda ayuu ka baxay iyadoo ah wax laga xumaado
gaar ahaan waqtiga Ramadaanka, taas oo aan maalintii oo dhan soo manahay qoys
ahaanna ay tahay inaan meel ku wada afurno.

La qaybsiga tan ,waxaan rajeeynayaa inay dib u soo nooleyn doonto qaar dhaqankii hore
ka mid ah, kuwaas oo waxtar iyo caafimaadba leh. waxaa jira waxyaabo badan oo
Maraykanka ugu deeqayo soo galootiga cusub, iyo waxyaabo badan oo ay qaxootiga iyo
soo galootiga ugu deeqayaan kuwa ku dhashay Maraykanka.

Faadumo waa hooyo qaxooti ah oo ka timid Soomaaliya. Waxay degan tahay xaafada
City Heights. Waxayna xubin ka tahay kooxda Rajada ee City Heights.

1 comment for “Imaanshahaygii Maraykanka

Comments are closed.